Xaqiiqooyinka Laga Diwaan Galiyay Kulankii Ay Chelsea Ceebta Kala Kulantay West Brom.

Chelsea ayaa guuldaro weyn kala kulantay kooxda West Brom kulan ka tirsanaa horyaalka premier league kana dhacay garoonka Stamford Bridge kana tirsanaa todobaadkii 30-aad ee xilli ciyaareedka.

Blues ayaa dhabarka loo saaray guuldaradii ugu horaysay tan ilaa markii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday kooxda chelsea shaqadana ka badalay tababare Lampard.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay kulankii ay chelsea guuldarada kala kulantay West Brom.

1.Kaadhkii casaanka ahaa ee loo taagay xiddiga Thiago Silva daqiiqadii 29-aad ayaa ah midkii ugu dhakhsaha badanaa eeloo taago xiddig chelsea ah premier League tan ilaa Gary Cahil oo kaadhka cas loo taagay kadib 14 daqiiqo bishii August sanadkii 2017.

2.Thiago Silva Ayaa ah xiddigii ugu da’da weynaa ee loo taago kaadhka cas premeir League una ciyaara chelsea isaga oo jira 36 sano 193 maalin isaga oo dhaafay John Terry oo rikoodhkaas haystay.

3.Dhamaan goolasha Callum Robinson ee premier League xilli ciyaareedkan ayaa ka yimid chelsea waana rikoodhka ugu fiican ee uu xiddig ku leeyahay koox kale.

4.Kooxda West Brom ayaa noqotay kooxdii ugu horaysay ee u soo dalacda premeir League ee 4 gool kaga dhalisa chelsea oo garoonkeeda jogta tan ilaa Wimbeldon oo 4/0 kaga badisay Chelsea Stamford Bridge sanadkii 1986.

5.Callum Robinson ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee premier League ah oo ugu yaraan chelsea kaga dhaliya 2 gool laba kulan xilli ciyaareed kaliya.

6.Sam Allardyce ayaa ah tababarihii ugu horeeyay ee taariikhda premier League kaga badiya chelsea garoonkooda isaga oo hogaaminaya 3 kooxoo oo kala duwan.

7.8-dii gool ee ay West Brom ka dhalisay chelsea premeir League ayaa ah goolasha ugu badan ee ay Blues kala kulanto koox kaliya xilli ciyaarreed gudihiis tan ilaa 1989 iyo 1990 markaas oo ay Liverpool kala kulmeen 9 gool.

Sii Akhriso: Waa Maxay Sababta Aan Loo Iloobin Jacaylka Ugu Horeeya?


Source: laacibfm.com

SHARE