Barcelona Oo Arsenal Kula Biirtay Baacsiga Xiddig Ka Ciyaara La Liga.

Barcelona ayaa lagu soo waramayaa inay ku garaaci karto Arsenal saxiixa weeraryahanka Real Betis Nabil Fekir xagaagan sida ay sheegayaan wararku.

27 jirkaan ayaa muhiim u ahaa kooxda Betis inta lagu jiro xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay 3 gool sidoo kale 6 aawiye ka noqday 30 kulan oo uu u ciyaaray kooxdiisa tartamada oo dhan.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in ay Arsenal ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga reer France kaas oo uu 2 sano uga hadhsanyahay heshiiskiisa kooxda Real Betis.

Laakiin wargayska Estadio Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona haatan ugu cad-cadahay saxiixa xiddiga Fekir iyada oo kooxda Barcelona doonayso in ay ku xoojiso kooxda xagaaga.

Xiddiga garabka ka ciyaara ee Fekir ayaa si weyn loola xidhiidhinayay Liverpool ka hor intii uuna ku biirin Betis waxana uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE