DEG-DEG: Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay Xiddig Kooxdiisa Ah Oo Maqnaan Doonta Inta Ka Dhiman Xilli Ciyaareedkan.

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu soo dhamaaday xilli ciyaareedka xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Anthony Martial.

Xiddiga Anthony Martial ayaa ku dhaawacmay waajibaadka xulka qarankiisa France intii lagu jiray kulamadii is reeb-reebka koobkaa adduunka.

Xiddiga Anthony Martial ayaa laga saaray kulamadii ugu dambeeyay ee xulka qarankiisa isaga oo ku soo laabtay Manchester si uu u maro baadhitaan dheeraad ah si loo ogaado xaaladiisa.

Anthony Martial ayuu soo gaadhay dhaawac jilibka ah isaga oo la filayo in uu maro qaliin jilibka ah taas oo la macno ah in uu seegi doono inta ka dhiman xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale Anthony Martial ayaa la filayaa in uu seego tartanka Euro-da hadii qaliin looga sameeyo jilibka kadib dhaawacii ka soo gaadhay waajibaadka xulka qarankiisa France.

Ole Gunnar Solskjae oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Waayista xiddig Anthony oo kale ah waliba dhaawac u muuqda mid inta ka dhiman xilli ciyaareedkan ah waa mid niyad jab leh”.

“Waxa uu dhaawaciisu u muuqdaa mid xun”ayuu Solskjaer sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE