Ian Wright Oo Qiimeeyay Fursadaha Liverpool Ee Ku Dhamaysiga 4-ta Boos Ee Ugu Saraysa premier League Kadib Guushii Arsenal.

Halyeeyga Kooxda Arsenal ee Ian Wright ayaa sheegay in ay Liverpool fursad weyn u haysato in ay ku dhaamysato 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka premier league waliba ay chelsea kala bixi karto booskaas kadib markii ay dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa.

Liverpool ayaa uul ka gaadhay kooxda Arsenal xilli ay kooxaha ka horeeya ee chelsea iyo Leicester City-ba guuldar la kulmeen taas oo ka caawisay in ay soo yarayso dhibcaha ay ka dambayso kooxda chelsea.

Reds ayaa haatan 2 dhibcood ka dambaysa kooxda kaalinta 4-aad ee chelsea Ian Wright ayaana aaminsan in ay Liverpool fursad fiican u haysato in ay ku soo baxdo boosaska champions league.

Markii Ian Wright la waydiiyay in ay Liverpool ugu cad-cadahay ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya ayaa yidhi”Haa, dabcan”.

“Marna kama saari kartid iyaga sababata oo ah waxa ay xiddigaha weerarku dib u heleen qaab ciyaareedkii fiicnaa Fabinho-na waxa uu ku laabtay khadka dhexe”.

“Waxa aan ogahay in ay Liverpool sii fiicnaan doonto, marka la eego kulamada u hadhay Liverpool waxa ay u soo bixi kartaa 4-ta boos ee ugu sareeya premier League”.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE