Is Bar-Bar Dhig Lagu Sameeyay Mikel Arteta & Tababarihii Uu Shaqada Ka Badalay Ee Unai Emery.

Mikel Arteta ayaa qirtay in uu la yaabay ceebtii kooxdiisa ka soo gaadhay kulankii liverpool ee horyaalka premeir League kana dhacay garoonka Emirates.

Arsenal ayaa la kulantay guuldaro niyad jab leh iyaga oo aan soo bandhigin qaab ciyaareed fiican marka loo bar-bar dhigo in ay joogeen garoonkooda Emirates.

Tababare Mikel Arteta ayaa hogaamiyay Arsenal kulankiisii 50-aad ee horyaalka Premier League tan ilaa markii uu la wareegay hogaaminta kooxda Arsenal waxana is bar-bar dhig lagu sameeyay Arteta iyo Tababare Unia Emery oo shaqada U baneeyay Arteta.

Tababare Mikel Arteta ayaa kooxda Arsenal ku hogaamiyay 21 ool halka uu ba-rbaro ku hogaamiyay 12 kulan iyada oo laga badiyay 17 kulan taas oo cel-celis ahaan u dhiganta in uu gaadho guul 42%.

Dhanka kale Unia Emery ayaa hogaamiyay Arsenal 51 kulan Premier League ka hor intii aan shaqada laga caydhin laguna badalin Mikel Arteta kaas oo ilaa haatan hogaaminaya kooxda

Emery ayaa guul ku hogaamiyay Arsenal 25 kulan halka uu bar-baro ku hogaamiyay 13 kulan halka laga badiyay kaliya 13 kulan oo horyaalka premier Leaue ah.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE