Karim Benzema Oo Isku Qoray Taariikhda Real Madrid Ee Horyaalka La Liga.

Xiddiga weerarka uga ciyaara Real Madrid ee Karim Benzema ayaa isku qoray taariikhda kooxda Real madrid kadib goolkii uu u dhaliyay Real Madrid kulankii ay guusha ka gaadheen Eibar Sabtidii.

Karim Benzema ayaa dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa waxana uu sidaas ku dhaliyay goolkiisii 18-aad ee horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay uu Karim Benzema dhaliyay goolkiisii 187-aad ee Horyaalka La Liga intii uu joogay kooxda Real Madrid.

Sidaas darteed Karim Benzema ayaa noqday xiddiga 4-aad ee ugu goolasha badan taariikhda Real Madrid ee horyaalka La Liga isaga oo ka dambeeya xiddiga Alfredo Di Stéfano kaas oo dhaliyay 216 kuna jira kaalinta 3-aad.

Kaalinta 1-aad waxa ku jira xiddiga Cristaino Ronaldo halka uu Kaalinta 2-aad ku jira Raul oo dhaliyay 228 gool taariikhda La Liga ee kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE