Man United Oo Badalka Edinson Cavani Ka Arkootay PSG.

Kooxda Man United ayaa lau soo waramayaa in ay xiddiga weerarka uga ciyaara PSG ee Mauro Icardi u calaamadsatay badalka Tooska ah ee xiddiga Edinson Cavani.

Xiddiga Weerarka ka ciyaara ee Edinson Cavani ayaa la filayaa in uu isaga tago kooxda Man united dhamaadka xilli ciyaareedkan marka uu dhoco heshiiskiisa kooxdu.

Sidaas darteed Man United ayaa isku diyaarinaysa in ay u dhaqaaqo saxiixa xiddiga weerarka ka ciyaara si ay ugu badasho xiddiga Cavani dhamaadka xilli ciyaareedkan suuqa kala iibsiga xagaaga.

Wargayska Gazzetta Dello Sport ayaa sheegaya in ay Man United u dhaqaaqayso saxiixa xiddiga kooxda PSG ee Mauro Icardi si ay ugu badasho xiddiga isaga tagaya ee Cavani.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay PSG diyaar u tahay in ay aqbasho lacag dhan 40 milyan oo euro marka uu furmo suuqa kala iibsiga xagaaga.

Xiddiga Mauro Icardi oo 28 jir ah ayaa dhaliyay 5 gool iyo 4 caawin waxana uu ku dhibaatooday dhaawacyo uu kulamo badan ku seeay xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE