Man United Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalka David de Gea & Dean Henderson Oo Sabab U Ah.

Kooxda Man United ayaa lagu soo waramyaa in ay go’aansatay in ay iska iibiso Goolhaye David De Gea si ay goolhayaha 1-aad ee kooxda uga dhigto Dean Henderson sida ay sheegayaan wararku.

Wargayska Mirror ayaa sheeaya in ay Man United diyaar u tahay in ay iska fasaxdo Goolhayaha 30 jirka ah si ay meesha uga saaraan mushaharka waalida ah ee uu todobaadkii ka qaato kooxda.

Goolhaye De Gea ayaa kooxda Man United kula jira heshiis 2 sano ka dhimantahay waxana ay doonaysaa in ay iska iibiso marka la gaadho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Dean Henderson ayaa ku soo laabtay kooxda kadib markii uu amaah kula qaatay kooxda Sheffield United xilli ciyaareedkii hore waliba laga saxiixay heshiis cusub sanadkii hore.

Goolhayaha 24 jirka ah ayay Man United u aragtaa in uu yahay xiddig mustaqbal ku leh kooxda waxana ay doonayaan in uu isagu noqdo Goolhayaha 1-aad ee kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE