Mikel Arteta Oo Magacaabay Cida Iska Leh Masuuliyada Guuldaradii Arsenal Ka Soo Gaadhay Liverpool.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa dusha saartay masuuliyada guuldaradii kooxdiisa ka soo gaadhay Liverpool kulankii ka dhacay Emirates kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kooxda Arsenal ayaa guuldaro 3/0 ah kala kulantay kooxda Liverpool kulan ka tirsanaa horyaalka premier League todobaadkii 30-aad ee xilli ciyaareedka.

Kadib ciyaarta Mikel Arteta ayaa ka hadlay guuldarada kooxdiisa ka soo gaadhay Liverpool horyaalka premier League isaga oo dusha saartay masuuliyada guuldarada soo gaadhay Arsenal.

Arteta oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Liverpool ayaa nooga fiicnayd boos walba, aniga ayaana iska leh masuuliyada, Liverpool ayaa ahayd kooxda fiican waxana ay dhaliyeen 3 gool, waxana ay dhalin kareen goolal intaas ka badan”.

“Liverpool ayaa ku guulaystay madax walba iyo kubad walba oo 2-aad, run ahaantii waan la yaabay, mana filayn in ay sidaas u ciyaaraan, Arsenal waxa ay u ciyaartay si xun”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE