Ole Gunner Oo Si Daacad Ah Uga Hadlay Wararka La Xariirinaya Saxiixa Sergio Aguero

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunner ayaa daaqadda ka saaray in uu ku fikarayo in kooxdiisa xagaaga uu keeno weerrayahanka Man City ee Sergio Aguero

City ayaa todobaadkii hore shaacisay in laacibkooda Aguero uu kooxda ka tagayo dhamaadka xilli ciyaareedkaan oo ah waqtiga uu ku siman yahay hishiiskiisa qalcadda Etihad.

Laacibkaas hore Atletico Madid ayaa la xariiriyay kooxo ay ka mid yihiin United , Barcelona , PSG , Juventus iyo Inter Milan oo ay sii dheer tahay Chelsea .

Wargeyska The Sun ayuu OIe Gunner ka yiri ” ma aamisani in xididg 10 sano koox uu u ciyaarayay in uu uga wareegayo mid kale oo ay wada xifaaltamaan , dhaba ahaan ma aaminisani arintaas in ay dhaceyso”.

” Aaway daacadnimadii , xageyga marka Man United u ciyaarto muddo waa ay adag tahay in aan City u wareegto” ayuu sii raaciyay macalin Ole Gunner

Sidaas oo ay tahay ciyaartooy hore United ah ayaa City u soo wareegay sida Carlos Teves oo sanadkii 2009-kii iyo goolhaye Peter Schmeichel oo sidaas sameeyay sanadkii 2002-dii


Source: laacibfm.com

SHARE