Saddexdii Xiddig Ee Arsenal Ahaa Ee Ku Fashilmay Kulankii Liverpool Oo La Kashifay.

Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa mar kale raadinaya su’aalo kadib markii ay Liverpool xasuuqday kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa premier League kana dhacay garoonka Emirates.

Gunners ayaa ku jirtay ciyaarta ilaa qaybtii dambe ka hor inta ayna kooxda Jurgen Klopp daqiiqado ku dilin ciyaarta.

Xiddiga Diogo Jota ayaa badal ku soo galay qaybta dambe waxana uu daqiiqadii 64-aad dhaliyay hogaanka kooxdiisa ka hor inta uuna Mohamed Salah 4 daqiiqo kadib dhalin goolka 2-aad.

Jota ayaa ciyaarta dilay daqiiqadii 81-aad waxana ay Arsenal la kulantay guuldaro 3/0 ah iyaga oo isla guuldaro noocaas oo kale ah kala kulantay lutii hore ee horyaalka premier League.

Wargayska Daily Star ayaa shaaciyay 3 xiddig oo Arsenal ah kuwaas oo ku fashilmay in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan kulankii ay Liverpool garaacday Arsenal.

Wargayska ayaa sheegay in xiddigaha Dani Ceballos, Pierre-Emerick Aubameyang Iyo Nicolas Pepe yihiin labadii xiddig ee ku fashilmay in ay is muujiyaan intii ay socotay ciyaartu.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE