Taageerayaasha Chelsea Oo Dalbaday In La Soo Celiyo Frank Lampard Kadib Ceebtii West Brom.

Qaar ka mid ah Taageerayaasha Chelsea ayaa codsaday in dib loo soo celiyo Frank Lampard kadib ceebtii Kooxda ka soo gaadhay West Brom guuldaradii 5/2 ahayd ee ka tirsanayd horyaalka premier League.

Frank Lampard ayaa shaqada laga caydhiyay laguna badalay Thomas Tuchel bisii January kaas oo si cajiib ah ku bilowday waliba aan laga badin 14 kulan oo xidhiidh ah tartamada oo dhan.

Laakiin rikoodhkaas ayaa soo afjarmay kadib markii ay West Brom ceebaysatay chelsea dushana u saartay guuldaro 5/2 ah inkasta oo ay gool ku hor mareen ciyaarta.

Taageerayaasha ayaana haatan fikirkooda ka dhiibtay ceebtii soo gaadhay kooxdooda iyaga oo dalbaday in uu Frank Lampard dib ugu soo laabto shaqada tababaranimo ee kooxda.

Taageere ayaa bogga Twitter-ka ku soo qoray”Hadii uu Frank Lampard hogaamin lahaa chelsea way dagaalami lahayd ilaa dhamaadka ciyaarta, Tuchel durba wuu is dhiibay”.

Mid kale ayaa yidhi”Hada Shaqada ka caydhiya, oo soo celiya Frank Lampard”.

“Tuchel waa doqon, waxaa aan ogolahay in uu Frank Lampard soo laabto”Ayuu mid kale yidhi.

“Qaab ciyaareedka noocan oo kale ayaa cadayn u ah in uuna Frank Lampard ahayn tababare xun gabi ahaan”ayuu mid kale qoray.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE