Thomas Tuchel Oo Magacaabay Xiddigii Sababta U Ahaa Kaadhkii Casaa Ee Loo Taagay Thiago Silva.

Tababaraha Kooxda chelsea ee Thomas Tuchel ayaa xiddiga khadka dhexe ee Jorginho ku eedeeyay kaadhkii casaanka ahaa ee loo taagay xiddiga daafaca uga ciyaara kooxdiisa ee Thiago Silva Kulankii West Brom.

Kooxda Cheksea ayaa guuldaro weyn kala kulantay kooxda West Brom kulan ka dhacay Stamford Bridge kulan ku dhamaada 5/2 kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka waxa kaadhka cas loo taagay xiddiga Thiago Silva daqiqiadii 29-aad kadib markii loo taagay laba kaadh oo digniin ah.

Thomas Tuchel oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Maan arkin kaadhka cas laakiin waxa aan arkay laba khalad oo waaweyn ka hor kaadhka digniinta ah”.

“Jorginho ayaa sameeyay khalad xun taas oo sabab u noqotay in kaadhka cas loo taago Thiago sababta oo ah si dhib yar ayuu kubada u lumiyay”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE