Waan Hubaa In Uu Lionel Messi Sii Joogi Doono Barcelona Halkan Arin Ayaana Sabab U Ah.

Indha-indheeyihii hore ee kooxda Barcelona Andre Cury ayaa ku qanacsan in uu Lionel Messi sii joogi doono kooxda Barcelona waliba saxiixi doono heshiis cusub oo uu ku sii joogi doono Camp Nou.

Heshiiska xiddiga 33 jirka ah ee Barcelona ayaa dhici doona dhamaadka xilli ciyaareedkan waxana jirta suurtagalnimo ah in uu sii joogi doono kooxda Barcelona sida uu sheegay Andre Cury.

“Waxa aan hubaa in uu Lionel Messi sii joogi doono Barcelona”ayuu Andre Cury u sheegay Radio Continental.

“Waxa uu noqon doonaa mid faraxsan mar kale, waxana ay Barcelona dhici doontaa koox cusub waxana uu mar kale noqon doonaa  midka 1-aad ee adduunka”.

“Guriga Leo waa Barcelona iyo Argentine, Leo wuuna jecelyahay Argentine sidoo kale wuu jecelyahay Barcelona”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: 5 Calaamad Ee Ugu Muhiimsan Ee Lagu Garan Karo Jacaylka Gabadha Xishoodka Badan.


Source: laacibfm.com

SHARE