Arsenal Oo 3 Kooxood Oo Premier League Ah Kala Kulmaysa Tartan Ku Aadan Xiddiga Martin Odegaard.

Kooxda Arsenal ayaa ku qasban in ay u dagaalanto saxiixa xiddiga xiddiga Martin Odegaard hadii ay doonayso in ay si toos ah ula wareegto xiddiga xagaaga maadama ay jiraan 3 kooxood oo kale oo Premier League ah kuwaas oo kula tartamaya saxiixa xiddiga.

Xiddiga reer Norway ayaa saamayn deg-deg ah ku yeeshay Tan ilaa markii uu Emirates ku soo biiray suuqii January waxana la fahamsanyahay in ay Arsenal xiiso u qabto in ay qaab toos ah ula wareegto xiddiga.

Si kasta ha ahaatee kooxda Arsenal ayaa wajahaysa in ay seegto gabi ahaan tartamada yurub xilli ciyaareedka dambe hadii ay ku fashilmaan in ay ku guulaystaan Europa League xilli ciyaareedka dambe

Shabakada 90Min ayaa sheegaysa in ay Arsenal tartan adag kala kulmayso 3 kooxood oo premeir league kuwaas oo doonaya saxiixa xiddiga Martin Odegaard marka la gaadho suuqa xagaaga.

Dhanka kale Real madrid ayaa la sheegayaa in ay 50 milyan dul dhigtay saxiixa xiddiga xilli ay doonayso in ay hesho lacag ay ku gasho suuqa kala iibsiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE