Arsenal Oo Ka Cabsi Qabta In Uu Kieran Tierney Garoomada Ka Maqnaado Muddo Dheer Kadib Dhaawacii Soo Gaadhay.

Kooxda Arsenal ayaa ka cabsi qabta in ay xiddiga Kieran Tierney waydo muddo dheer kadib markii uu dhaawac uga baxay kulankii ay Arsenal guuldarada kala kulantay kooxda Liverpool Sabtidii.

Dhaawacan ayaa xaalka ku sii xumaynaya kooxda Arsenal oo haatanba dhaawac ku wayday xiddiga David Luiz Inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawac jilibka ah oo soo gaadhay.

Xiddiga Kieran Tierney ayaa la filayaa in uu Luiz kula biiro qolka daawaynta iyada oo Arsenal ka cabsi qabto in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono mudd aad u dheer.

Kieran Tierney ayaa haatan maray baadhitaan buuxa waxana la sugayaa jawaabta baadhitaankiisa 48 saac ee soo socda iyada oo Gunners markaas ogaan doonta mudada uu xiddigu maqnaan doono.

Laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in ay Arsenal ka cabsi qabto in uu xiddigu seego inta ka dhiman xilli ciyaareedkan kadib dhaawacii soo gaadhay xiddiga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE