Daawo: Muuqaal Muujinaya Qaabkii Ay Liverpool Tababarka Ugu Sii Qaadatay Goolkii 1-aad Ee Ay Ka Dhaliyeen Arsenal.

Liverpool ayaa guul ka gaadhay kooxda Arsenal laakiin waxa ay samaysay dadaal dheeraad ah ka hor intii ayna furin gool dhalinta daqiqiadii 64-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Diogo Jota.

Reds iyo Arsenal ayaa isku mari la’aa ciyaarta iyada oo kooxda Liverpool wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolka 1-aad laakiin waxa ay dhaafi waayeen daafaca kooxda Arsenal.

Laakiin xiddiga Trent Alexander-Arnold ayaa dhiibay baas cajiib ah isaga oo madaxa u saaray xiddiga Diogo Jota kaas oo gool dhalinta u furay kooxdiisa una dhiibay hogaanka ciyaarta.

Si kasta ha ahaatee goolkaas ayaa ahaa mid tababarka lagaga soo shaqeeyay ka hor intii ayna ciyaartu bilaaban iyada oo la helay muuqaal muujinaya qaabkii ay xiddigaha Trent Alexander-Arnold iyo Diogo Jota tababarka ugu sii qaateen goolkaas.

Muuqaalka ayaa muujinaya Alexander-Arnold oo karoos cajiib ah madaxa u saaray xiddiga Diogo Jota intii ay ku jireen tababarka waxana ay isla sidaas dhacday intii lagu jiray ciyaarta iyada oo oo Jota ka dhaliyay goolka furitaanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE