Hordhac: Real Madrid Vs Liverpool: Wax Walba Oo Aad Uga Baahantahay Kulanka Xiisaha Leh Ee Champions League.

Kooxda Real Madird ayaa marti galin doonta kooxda Liverpool kulanka lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions League kulan ka dhici doona garoonka Alfredo Di Stéfano.

Kooxda Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay ka faa’iidaystaan garoonkooda waliba hal lug la galaan wareega xiga ka hor inta ayna Booqan Liverpool todobaadka dambe.

Dhanka kale Liverpool ayaa kulanka soo galaysa in ay natiijoo fiican ka helaan kulanka ka hor inta ayna todobaadka dambe ku laaban garoonkooda lugta 2-aad ee tartanka.

Kulanka: Real Madrid Vs Liverpool

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Alfredo Di Stéfano

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa ah kulankii ugu horeeyay ee ay labada kooxood ee Real Madrid iyo Liverpool wada kulmaan tan ilaa 2018 markaas oo uu kulanku ahaa Final-ka champions League iyada oo ay Real Madrid ku badisay 3/1 iyada oo Los Blancos markii 3-aad oo xidhiidh ah ku guulaystay tartanka.

Liverpool ayaa guuldaro kala kulantay Real madrid 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee champions league waxana ay 4 guuldaro oo xidhiidh ah tartamada oo dhan kala kulantay Benfica intii u dhexaysay 1984 ilaa 2010.

Real Madrid ayaa badisay lugta 1-aad ee champions league 8-ka mid ah 9-kii kulan ee ugu dambeeyay ee wareega Bug baxa iyaga oo kulanka ay guuldarada la kulantay kala kulantay Man City xilli ciyaareedkii hore.

Kulankii kaliya ahaa ee wareega Bug baxa ay ku kulmeen labada kooxood Liverpool ayaa ku badisay 5/0 labada lugood ah wareegii 16-ka tartanka champions league xilli ciyaareedkii 2008/2009 champions League waana guuldarada ugu weyn ee Real Madrid ka soo gaadhay wareega Bug baxa tartanka.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE