Kulamada U Hadhay Kooxaha Liverpool, Chelsea Iyo Leicester City Xilli Tartanka 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Horyaalku Sii Xoogaysanayo.

Kooxaha Chelsea iyo Liescter City ayaa la kulmay guuldarooyin horyaalka premier League ah todobaadkan taas oo dib u furtay tartanka loogu jiro 4-ta boos ee ugu saraysa horyaalka premeir League xili ciyaareedkan.

Guuldarooyinka Leicester iyo chelsea ayay ka faa’iidaysatay kooxda Liverpool kuwaas oo garaacay Arsenal cadaadiskana saaray kooxaha ka horeeya kala saraynta horyaalka premier League.

Liverpool ayaa haatan kaliya 2 dhibcood ka dambaysa kooxda Chelsea ee kaalinta 4-aad ku jirta halka ay 7 dhibcood ka dambayso kooxda kaalinta 3-aad ku jirta ee Leicester City.

3-da kooxood ayay haatan u hadheen min 8 kulan iyada oo la filayo in ay sii xoogaystaan tartanka loogu jiro boosaska 3-aad iyo 4-aad ee kala saraynta horyaalka premier League.

Hadaba Halkan Hoose kaga bogo kulamada u hadhay kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Leicester City xilli ay ku dagaalamayaan boosaska champions League.

Image

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE