Laba Xiddig Oo U Ciyaara Chelsea Oo Isku Dhacay kadib Ceebtii West Brom.

Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Antonio Rudiger ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen Goolhayaha kooxda ee Kepa kadib guuldaradii chelsea ka soo gaadhay kooxda West Brom sabtidii.

Labada xiddig ayaa kaydka fadhiyay kulankii ay chelsea guuldarada 5/2 ah kala kulantay West Brom waxana ay ka qayb qaateen tababarkii Axadii ay isugu diyaarinayeen kulanka Porto.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Kepa ka xanaaqay loolan uu Rudiger kula galay kubada xilli ay tababarka ku jireen taas oo keentay in ay labada xiddig isku dheceen.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu tababare Thomas Tuchel isla markiiba qolka labiska u diryay xiddiga Rudiger iyada oo uuna xiddigu dhamaysan tababarka kooxda.

Si kasta ha ahaatee xiddiga Rudiger ayaa la sheegayaa in uu raali galiyay Kepa haatana la xaliyay dhibaatada kadib markii uu tababaruhu soo kala dhex galay labada xiddig.


Source: laacibfm.com

SHARE