Man United & Liverpool Oo Dib U Soo Cusboonaysiiyay Xiddigaha Xiddig Arsenal Ku Qasbantahay In Ay Iska Iibiso.

Kooxaha Man United iyo Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay dib u soo cusboonaysiinayaan xiisaha ay u qabaan saxiixa xiddiga da’yarka ah ee kooxda Arsenal ee Bukayo Saka sida ay sheegayaan wararku.

Warkan ayaa soo baxaya kadib markii ay soo bexeen warar sheegaya in ay Arsenal ku qasbanaan karto in ay iska iibiso xiddiga da’yarka ah ee Bukayo Saka si ay u hesho lacag ay ku xoojiso kooxda xagaaga.

Xiddiga da’yarka ah ee Bukayo Saka ayaa ah xiddiga ugu fiican kooxda Arsenal labadii xilli ciyaareed ee ugu dambeeyay isaga oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kooxdana ka caawiyay guulo badan.

Kooxaha ugu tunka weyn premier League ee Man United iyo Liverpool ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Bukayo Saka xagaagii hor ka hor inta uuna xiddiga da’yarka ah heshiis cusub u saxiixin kooxda Arsenal.

Laakiin wargayska Express ayaa sheegaya in ay labada kooxood dib u soo cusboonaysiiyeen xiisaha xiddiga kaas oo ay doonayaan in ay u dhaqaaqaan saxiixiisa xagaaga hadii ay Arsenal go’aansato in ay iska iibiso xiddiga xagaaga.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE