Ole Gunnar Solskjaer Oo Kashifay Sababtii Uu Badalka Ugu Sameeyay Marcus Rashford, Dhaawac Miyaa Jira?

Tababaraha kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer aya axaqiijiyay in uu ku qasbanaaday in uu badal ku sameeyo xiddiga Marcus Rashford kadib markii uu dhaawacmay intii uu socday kulankii ay United guusha ka gaadhay kooxda Brighton.

Xiddiga reer England ayaa dhaliyay goolka bar-baraha kooxdiisa ka hor intii aan badalka lagu samayn laguna badalin xiddiga Daniel James daqiiqadii 83-aad.

Ciyaarta kadib Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu Badal ku sameeyay Rashford kadib markii uu xiddigu dhaawacmay inkasta oo uuna ka warbixin xaaladiisa.

“Anigu ma hubo sida uu u dhaawacmay”ayuu Solskjaer markii la waydiiyay xaalada Rashford.

“Waxa uu xanuun ka dareemay kuraanta sidaas darteed ayaan u badalnay”.

“Aan eegno sida uu wax noqdo, Marcus si dhayal ah kuma seego kulamada laakiin waxa aan ku qasbanaanay in aan badal ku samayno”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE