RASMI: Zinedine Zidane Oo Soo Xushay Liiska Xiddigaha Uu Kaga Hor Tagi Doono Liverpool.

Tababaraha Kooxda Real Madrid ee Zinedine Zidane ayaa soo saaray Liiska xiddigaha uu kaga hor tagi doono Liverpool kulanka lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka champions league ee dhici doona Salaasada.

Xiddiga Eden Hazard ayaa laga reebay Liiska inkasta oo uu tababarka ka qayb qaatay maalmihii ugu dambeeyay kaas oo la filayay in uu ka qayb qaato kulanka habeen dambe.

Xiddiga khadka dhexe ee Fede Valverde ayaa laakiin ku soo laabtay Liiska halka ay dhanka kale ku maqanyihiin xiddigaha Sergio Ramos, Dani Carvajal kuwaas oo dhaawac ku seegaya kulanka.

Hadaba Halkan Hoose Kaga Bogo Liiska xiddigaha Uu Zidane u soo xushay kulanka Liverpool ee Champions League:

Goolhayayaasha: Thibaut Courtois, Andriy Lunin, Diego Altube.

Daafacyada: Eder Militao, Raphael Varane, Nacho, Marcelo, Alvaro Odriozola, Ferland Mendy.

Khadka dhexe: Toni Kroos, Luka Modric, Casemiro, Fede Valverde, Isco, Sergio Arribas.

Weerarka: Karim Benzema, Marco Asensio, Lucas Vazquez, Vinicius, Mariano Diaz, Rodrygo.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE