Real Madrid Vs Liverpool: Shaxda Isku Dhafka Ah Ee Labada Kooxood Oo la Soo Saaray Ka Hor Kulankooda Habeen Dambe.

Kooxaha Liverpool iyo Real Madrid ayaa isaga hor iman doona kulan adag oo ka tirsan champions league kulan ka dhici doona garoonka Alfredo Di Stéfano kulan si weyn loo wada sugayo.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona kulanka champions League kulamada bug baxa markii ugu horaysay tan ilaa 2008/2009 halka ay guud ahaan champions League isaga hor iman doonaan markii ugu horaysay tan ilaa 2018/2019 markaas oo ahayd final-ka tartanka.

Labada kooxood ayaa ku hubaysan xiddigaha ugu fiican adduunka kuwaas oo ku jira qaab ciyaareed cajiib ah kooxdana ku hogaamiyay guulo badan oo muhiim u ah koxdooda.

Wargayska The Sun ayaa soo saaray shaxda isku dhafka ah ee labada kooxood ka hor kulankooda habeen dambe ee champions leaue iyaga oo soo xushay xiddigaha taamka u ah kulanka.

Kooxda Liverpool ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badan iyaga oo ku leh 6 xiddig halka kooxda Real Madrid shaxda ku leedahay kaliya 5 xiddig.

The combined Liverpool and Real Madrid XI

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE