Rio Ferdinand Oo Badalay Saadaashiisa 4-ta Kooxood Ee Ugu Saraysa Premier League Kadib Guushii Liverpool Ee Arsenal.

Halyeeyga Kooxda Man United ee Rio Ferdinand ayaa badalay saadaashiisa 4-ta kooxood ee ugu sareeya horyaalka premier League isaga oo aaminsan in ay Liverpool haatan ugu cad-cadahay ku dhamaysiga boosaska ugu sareeya kadib markii ay xasuuqeen Arsenal Sabtidii.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa dhaafay kooxda Mikel Arteta kulan dhinac kaliya ahaa iyaga oo 3-da dhibcood kala laabtay London iyo garoonka Arsenal ee Emirates.

Guusha Liverpool ayaa timid kadib markii ay CHelsea guuldaro 5/2 ah kala kulantay West Brom halka ay Tottenham dhibco lumisay kulankii Newcastle waxana uu Rio Ferdinand sheegay in ay liverpool haatan ugu cad-cadahay ku dhamaysiga boosaska champions League.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool haatan u soo bixi doonto champions League kadib natiijadii ay heleen iyo waliba qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen ayaa kalsooni siin doonta”ayuu u sheegay BT Sport.

“Fabinho waxa uu ku soo laabtay booskiisii waxana uu muujiyay wixii ka maqnaa Liverpool, waxa ay u muuqataa in ay haatan ku soo laabanayso qaab ciyaareedkeedii fiicnaa”.

“Marka la eego Chelsea Iyo Leicester City, Liverpool ayaa ugu cad-cad in ay ku dhamaysato kaalmaha ugu sareeya waxana ay gaadhi karaan guulo 6 ilaa 7 xidhiidh ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE