Shaxda Ay Barcelona Kaga Hor Tagi Karto Real Valladolid Xilli Ay Fursad U Haystaan In Ay Hal Dhibic Ka Dhigaan Dhibcaha Ay Ka Dambeeyaan Hogaamiyayaasha La Liga.

Kooxda Barcelona ayaa caawa la ciyaari doonta kooxda Real Valladolid kulan ka tirsan horyaalka La Liga kana dhici doona garoonka Camp Nou soona gali doona 10:00 Wakhtiga Somaliya.

Barcelona ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ogsoon guul ay gaadhaan in ay la macno tahay in ay hal dhibic u jirsan doonaan hogaamiyayaasha horyaalka La Liga ee Atletico Madrid.

Kooxda Atletico Madrid ayaa guuldaro kala kulantay Sevilla kulankii xalay kana tirsanaa horyaalka La Liga taas oo la macno ah in ayna Atletico sii dheeraysan dhibcaha.

Ronald Koeman ayaa la filayaa in uu ku soo galo shaxdiisa ugu adag kulanka caawa si uu kooxdiisa ugu hogaamiyo guul ka caawisa in ay ku dhawaato hogaamiyayaasha horyaalka La Liga.

How Barcelona could line up against Real Valladolid - Sports Mole


Source: laacibfm.com

SHARE