Wakiilka Haaland Oo Cirka Ku Sii Shareeray Shakiga Laga Qabo Mustaqbalka Laacibka Ee Dortmund

Wakiilka Haaland ayaa gaashaanka u daruuray wararki laga qoray laacibka ee sheegayay in uu shuruud ku xiray ku biiritaankiisa Barcelona .

Warar axaddii soo baxay ayaa tilmaamayay in laacibkaas Dortmund uu afar shuruud ku xiray in uu u saxiixo Barcelona ayna ugu horeeyso in Messi uu baaqi ku ahaado qalcadda Camp Nou .

Mino Raiola ayaa bartiisa Tiwtter-ka soo dhigay muuqaal uu ku soo qaatay dhamaan wargeysayada isla jeex jeexay warkaas waxa uuna ku qoray” wararka beenta si deg deg ayay u baahaan meel fogna u gaaraan”.

Mino Raiola ayaa la xusayaa in maalmo ka hor uu la kulmay madaxweyanaha cusub Barcelona ee Laporta waxaana ku wehliyay aabaha Haaland halka sidoo lagu arkay magaalada Madrid xilli Real ay dooneyo da`yarkaas

Dadka arimaha suuqa turxaan bixaya ayaa xusaya in Haaland u badan tahay in xagaagaan ka huleelo Dortmund marka la eego wakiilkiisa oo aan daaqadda ka saarin suura galnimada arintaas xilli wararka qaar sheegayaan in dalaalkaan uu la doonayo laacibka midkood kooxaha Barcelona iyo Real Madrid


Source: laacibfm.com

SHARE