WARBIXIN: Liverpool, Cristiano, Mbappe, Haaland, Neymar & Magacyada Waaweyn Ee Halista Ugu Jira In Ay Seegaan Champions Leageu Xilli Ciyaareedka Dambe.

WARBIXIN: Liverpool, Cristiano, Mbappe, Haaland, Neymar & Magacyada Waaweyn Ee Halista Ugu Jira In Ay Seegaan Champions Leageu Xilli Ciyaareedka Dambe.


Dhamaadka xilli ciyaareedkan ayay inaga xitaa bil iyo badh laakiin kooxo badan oo reer yurub ah ayay ka qayb galkooda champions League xilli ciyaareedka dambe shaki weyn ku jiraa.

Xiddigaha Cristiano Ronaldo, Neymar, Erling Haaland, Kylian Mbappe & kooxda Jurgen Klopp ee Liverpool ayaa dhamaantood halis ugu jira in ay ku dhaadhacaan Europa league xilli ciyaareedka dambe.


Liverpoo

l:

Reds ayaa la ciyaari doonta Real Madrid wareega 8 dhamaadka champions League Waxana ay u muuqataa in ay dib u heleen qaab ciyaareedkii lagu yaqaanay laakiin Liverpool ayaa ku jirta kaalinta 6-aad iyaga oo leh 49 dhibcood iyaga oo 2 dhibcood ka dambeeya kooxda kaalinta 4-aad ee chelsea.

Laakiin Liverpool ayaa waayi karta booskooda marka loo eego in ay Everton iyo West Ham dhibco yar ka dambeeyaan kooxda Liverpool.


Juventus:

Cristiano Ronaldo iyo Juventus ayaa halis ugu jira in ay seegaan champions League xilli ciyaareedka dambe, waxa ay 12 dhibcood ka dambeeyaan kooxda Inter Milan kumana guulaysan doonaan horyaalka Serie A-da xilli ciyaareedkan.

Sidoo kale waxa ay ka dambeeyaan Ac Milan iyo Atalanta sidoo kale Napoli ayaa ka hor mari karta Juventus hadii ay ka badiyaan Juventus Arbacada kulankooda baaqiga ah.


Mbappe, Neymar Oo Halis Ku Jira:

Guuldaradii Paris Saint-Germain ka soo gaadhay Lille ayaa la macno ah in ay 3 dhibcood ka dambaysa hogaamiyayaasha horyaalka ee Lille halka ay Kooxda Monaco hal dhibic ka dambayso kooxda PSG Sidoo kooxda Lyon ayaa 2 dhibcod ka dambaysa kooxda PSG.

Sidaas darteed PSG Ayaa halis ugu jirta in ay gabi ahaan seegto champions League kana ciyaarto Europa League xilli ciyaareedka dambe.


Haaland Oo Hal Lug Kala Baxay Tartamada Yurub:

Mino Raiola ayaa si aad ah u doonaya in uu Haaland ka kexeeyo Borussia Dortmund waxana ay u badantahay in uuna joogi doono kooxda Dortmund xilli ciyaareeda dambe.

Kooxaha Bayern Munich, RB Leipzig, Wolfsburg & Eintracht Frankfurt ayaa dhamaantood ka horeeya Borussia Dortmund tartanka loogu jiro boosaska champions League xilli ciyaareedka dambe.


Suuqa Xagaaga Oo Ay Ka Dhici Doonaan Saxiixyo Badan:

Suuqa xagaaga ayaa noqon dona mid xiiso leh xagaaga iyada oo xiddigaha Neymar, Mohamed Salah, Ronaldo, Mbappe & Haaland dhaamantood raadin doonaan kooxo cusub si ay uga ciyaaraan champions league xilli ciyaareedka dambe.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE