XASAASI: Bruno Fernandes & Ole Gunnar Solskjaer Oo Isku Dhacay Intii Lagu Jiray Kulankii Brighton.

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes & Tababaraha Man United Ole Gunnar Solskjaer ayaa lagu soo waramayaa in ay isku dheceen intii uu socday kulankii ay Man United guusha ka gaadhay Brighton.

Kooxd Man United ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Brighton iyada oo xiddigaha Marcus Rashford iyo Mason Greenwood ku hogaamiyeen Man United guusha muhiim-ka ah.

Wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in ay xiddiga Fernandes iyo Tababare Solskjaer is waydaarsadeen kalmado kulu ka hor intii ayna Man United qaybta hore ku dhamaysan natiijo 1/0 oo ay ku dambayso ciyaarta.

Solskjaer ayaa la rumaysanyahay in uu marka hore ku qaylinayay xiddiga Luke Shaw laakiin Fernandes ayaa soo dhex-galay isaga oo tababaraha hadalo kulul kula hadlay.

Dhacdadan ayaan ahayn markii ugu horaysay iyada oo wargaysku sheegay in ay jirto marar kale oo ay xiddiga iyo tababaruhu is dhaafsadeen hadalo kulul.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE