XASAASI: Neymar Oo Joojiyay Wadahaladii Heshiis Kordhinta Ee PSG & Lionel Messi Oo Sabab U Ah.

Xiddiga kooxda PSG ee Neymar ayaa lagu soo waramayaa in uu joojiyay wadahaladii heshiis kordhinta ahaa ee uu kula jiray kooxda PSG si uu ugu soo laabto kooxda Barcelona.

Heshiiska xiddiga 29 jirka ah ayaa dhici doona dhamaaadka xilli ciyaareedka dambe waxana la rumaysnaa in uu qarka u saarnaa in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda PSG.

Ku laabashadiisa kooxda PSG ayaa joogsaday bilihii ugu dambeeyay xilli uu shaki ku jiray mustaqbalka Lionel Messi ee kooxda Barcelona.

PSG ayaa dhankeeda si weyn loola xidhiidhinayay saxiixa Lionel Messi xilli uu Neymar doonayay in uu Messi ku biiro kooxda reer France si uu halkaas ugaga garab ciyaaro.

Laakiin kooxda Barcelona ayaa haatan u muuqata kuwo heshiis cusub ka saxiixanaya xiddiga Lionel Messi taas oo meesha ka saaraysa fursadihii uu ugu biiri lahaa kooxda PSG.

Wargayska ARA ayaa haatan sheegaya in uu Neymar joojiyay wadahaladii heshiiska cusub ee kooxda PSG maadama uuna Messi ku soo biiri doonin kooxda PSG.

Neymar ayaa sidaas darteed doonaya in uu ku laabto kooxda Barcelona si uu ugaga garab ciyaaro Lionel Messi maadama uuna kaga garab ciyaari karin PSG.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Doonaysaa In Gacaliyahaagu Kuu Waasho Waliba Kaa Maarmi Waayo Si Waali Ahna Kuu Jeclaado, Wadooyinkan Raac, La’aantaa Ma Seexan karo Xitaa.


Source: laacibfm.com

SHARE