5 Su’aal Oo Uu Ka Jawaabi Doono Kulanka Real Madrid & Liverpool

5 Su’aal Oo Uu Ka Jawaabi Doono Kulanka Real Madrid & Liverpool


Taageerayaasha Kubada cagta ayaa isha ku haya kulanka caawa ee u dhexeeya kooxaha Real Madrid iyo Liverpool kulan ka tirsan lugta 1-aad ee 8 dhamaadka champions League.

Labada kooxood ayaa kulanka u soo galay sidii ay mid walba u gaadhi lahayd guul muhiim u ah kooxdeeda ka hor kulanka lugta 2-aad ee tartanka champions League.


Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa 5 su’aal oo uu ka jawaabi doono kulanka.


1.Real Madrid Run ahaantii Miyay Fiicnaatay?

Su’aasha ugu horaysa ayaa ah qaab ciyaareedka Real Madrid kuwaas oo horumar sameeyay qaab ciyaareedka kulamadii ugu dambeeyay iyaga oo gaadhay guulo muhiim ah iyaga oo aan waliba wax guuldaro ah la kulmin 11-kii kulan ee ugu dambeeyay ee horyaalka La Liga.

Real Madrid ayaa sidoo kale dhalisay 10 gool 4-tii kulan ee ugu dambeeyay iyaga oo kaliya laga dhaliyay 3 gool laakiin Awooda Real Madrid ayaa laga shakisanyahay awoodeeda marka loo eego in ay guulahaas ka gaadhay kooxaha yar-yar sidaas darteed waxa la ogaan doonaa sida ay Los Blancos dib u heshay qaab ciyaareedkeedii fiicnaa iyo in ay kaliya kooxaha yar-yar ku soo bandhigto awoodeeda.


2.Jurgen Klopp Wali ma sii adeegsan doonaa Firmino Mise waxa uu ku bilaabi doonaa Jota?

Weerarka Liverpool ayaa ah mid ku adag Tabbare Jurgen Klopp marka loo eego in uuna in ay ku adagtahay in uu kala doorto xiddiga Roberto Firmino iyo xiddiga Diogo Jota oo qaab ciyaareed cajiib ah ku jira.

Kulankii ugu dambeeyay ee Arsenal Diogo Jota ayaa badal ku soo galay laakiin waxa uu dhaliyay 2 gool taas oo keenaysa in ay Taageerayaasha Liverpool dalbadaan in uu Jota ku bilowdo kulanka Real Madrid sidaas darteed waxa la ogaan doonaa in uu Klopp ku bilaabo Firmino iyo in uu ku bilaabo Jota.


3.Tababare Zinedine Zidane ma badali doonaa qaab ciyaareedka Uu Ku Ciyaaro?

Tababare Zidane ayaa kulamadii ugu dambeeyay badalay shaxda kooxdiisa isaga oo mararka qaar ku ciyaaray 4 daafac ah halka uu marka qaar ku ciyaaro 3 daafac ah laakiin ilaa haatan lama oga sida uu Zidane ku ciyaari doono marka loo eego in uu Sergio Ramos ka maqan yahay kooxda.

Sidoo kale waxa la ogaan doonaa in uu Zidane ku ciyaaro 4 xiddig oo khadka dhexe ah marka loo eego in uu xiddiga Fede Valverde dhaawac ka soo laabtay.


4.Liverpool Ma Haysataa Fursad Ay Ugu Guulaysato Champions League?

Marka loo eego in ay Ku jirto kaalinta 6-aad ee kala saraynta waxa aad u yar fursadaha ay Liverpool ugu soo bixi karto champions League dhinac horyaalka Premier League sidaas darteed waxa ay ku qasban yihiin in ay ku guulaystaan champions league.

Hadii ay Liverpool soo bandhigto qaab ciyaareed cajiib ah si fiican u ciyaarto kulanka waxa ay haystaan fursad weyn oo ay ugu guulaysan karto champions League marka loo eego in ay wareega xiga la ciyaari doonto chelsea ama Porto maadama ay ka fogaanayso wareega xiga kooxaha u sharaxan ku guulaysiga tartanka.


5.Sidee Ayuu Mohamed Salah Ula Ciyaari Doonaa Real Madrid?

Inkasta oo uu Sergio Ramos Ka Maqnaan doono kulanka hadana wixii Mohamed Salah ku dhacay Final-ka sanadkii 2018 ayaa ku jiri doona qalbigiisa waxana ay munaasib ku tahay in la ogaado sida uu Mohamed Salah ula ciyaari doono Real Madrid iyo in uu soo bandhigo qaab ciyaareed fiican.


Sii Akhriso:

Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE