Barcelona Oo Neymar U Sheegtay Wado Uu Ugu Laaban Karo Camp Nou, Maxaa Looga Baahanyahay?

Kooxda Barcelona ayaa lagu soo waramayaa in ay Neymar u sheegtay halka wado ee uu ugu laaban karo Camp Nou ugana garab ciyaari karo Saaxiibkiisii hore ee Lionel Messi.

Wararka ka imanaya Spain ayaa sheegaya in ay Maamulka Barcelona u sheegeen Neymar in uu dhamaysto heshiiskiisa kooxda PSG si uu qaab xor ah ugu soo biiro kooxda xagaaga 2022.

Wargayska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in ay Barcelona u sheegeen Neymar in uu iska diido heshiis cusub oo uu u saxiixo kooxda reer France hadii uu doonayo in uu ku laabto kooxda Barcelona.

Neymar ayaa doonaya in uu mar kale ka garab ciyaaro xiddiga Lionel Messi waxana ay maamulka Barcelona u sheegeen in uu iska diido heshiiska cusub waliba dhamaysto heshiiskiisa haatan ee kooxda PSG.

Heshiiska Neymar ee kooxda PSG ayaa dhici doona xagaaga 2022 waxana uu markaas si xor ah uga tagi karaa kooxda reer France taas oo ay Barcelona doonayso in ay markaas qaab xor ah ugu dhaqaaqdo xiddiga.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE