Chelsea? Liverpool? West Ham? Gary Neville Oo Saadaaliyay Kooxaha Ku Dhamaysan Doona 4-ta Boos Ee Ugu Sareeya Premier League.

Halyeeyga kooxda Man United ee Gary Neville Ayaa saadaaliyay in ay Kooxaha Man City, Man United, Leicester City iyo Chelsea ku dhamaysan doonaan 4-ta boos ee ugu sareeya premier League laakiin sheegay in ay Liverpool boosaskaas gali karto hadii ay dib u helaan qaab ciyaareedkii fiicnaa ee garoonkooda.

West Ham ayaa kaalinta 4-aad soo gashay kadib markii ay ka badisay West ham laakiin xiddigii hore ee Man United ayaan ku qanacsanayn in ay sii haysan doonaan booskaas.

Chelsea ayaa dhankooda guuldaro kala kulantay kooxda West Brom iyada oo dusha laga saaray guuldaradii ugu horaysay ee Thomas Tuchel tan ilaa markii uu tababaraha u noqday kooxda.

Kooxda Liverpool ayaa dhankooda guuldaro dhabarka u saartay Arsenal xilli ay Tottenham bar-baro niyad jab leh la gashay kooxda Newcastle United.

Laakiin Gary Neville ayaa aaminsan in ay chelsea kooxda Liverpool ku garaaci doonto kaalinta 4-aad kuna biiri doonto kooxaha u soo bixi doona champions league.

“Waxan u malaynayaa in ay ahaan doonaan isla sidii”ayuu Gary Neville u sheegay Sky Sport.

“Waxa aan ku adkaysan doonaa saadaashaydii hore laakiin Liverpool ayaa chelsea kala bixi karta booska hadii ay dib u helaan qaab ciyaareedkoodii fiicnaa ee Anfield”.

“Waxa aan u malaynayaa in ay 4-ta kooxood ee ugu sareeya noqon doonaan Man City, Man United, Leicester City Iyo Chelsea”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE