Chelsea Oo Suuqa Dhigaysa Iskana Iibinaysa 9 Xiddig Xilli Uu Thoms Tuchel Go’aan Ka Gaadhay Xiddigaha Uu Iska Dirayo Xagaaga.

Shaqada Fiican ee Thoms Tuchel ee chelsea ayaa bilowday laakiin Tababaraha ayaa u baahan in uu qabto shaqo badan si uu kooxdiisa uga dhigo koox u tartami karta ku guulaysiga koobab xilli ciyaareedka dambe

Kooxda Chelsea ayaa xagaagii suuqa galisay lacag ka badan 200 oo milyan taas oo ay ku xoojisay kooxda kulana soo saxiixatay xiddigo badan oo tayo leh inkasta oo ayna kuwo badan soo bandhigin qaab ciyaareedkii laga filayay.

Laakiin Tababare Tuchel ayaa u baahan in uu suuqa dhigo xiddigo badan marka la gaadho suuqa xagaaga si uu u nadiifiyo kooxda xagaaga isaga oo iska diri doona xiddigaha aan ka qaybta ahayn qorshihiisa.

Wargayska Mirror Sport ayaa sheegaya in ay chelsea suuqa dhigi doonto 9 xiddig kuwaas oo ay doonayso in ay iska iibiso marka uu dhamaado xilli ciyaareedka haatan socda.

Tuchel ayaa suuqa dhigay xiddigo badan oo ka mid ahaa kuwii uu Frank Lampard ku kalsoonaa waliba sida joogtada ah ugu ciyaarayay kooxda intii uu hogaaminayay kooxda tababarihii ka horeeyay Tuchel.

Dhanka kale waxa Liiska ku jira xiddigo dhawr ah kuwaas oo aan ka mid ahayn qorshihiis tababare Lampard laakiin haatan kulamo badan u ciyaaray tan ilaa markii uu Thuchle tababarka u noqday kooxda.

Xiddigaha Kala ah Tammy Abraham, Kepa Arrizabalaga, Emerson Palmieri, Antonio Rudiger, Fikayo Tomori, Jorginho, Ross Barkley, Ruben Loftus-Cheek & Michy Batshuayi ayaa ka mid ah xiddigaha uu Tuchel suuqa dhigay xagaaga.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE