DEG-DEG: Saacado Ka Hor Kulanka Liverpool, Real Madrid Oo Xaqiijisay Xiddig Muhiim U Ah kooxda Oo Seegi Doona Kulanka Caawa, Sabab.

Kooxda Real Madrid ayaa xaqiijisa in daafaca dhexe ee Raphael Varane laga helay xanuunka Korona saacado ka hor kulanka adag ee ay la ciyaari doonaan Liverpool sidaas darteed uu seegi doono kulanka caawa.

Warkan ayaa Naxdin ku ah Tababare Zidane iyo kooxdiisa marka loo eego in uu dhaawac uga maqnaa markii horeba daafaca ahna kabtanka kooxda ee Sergio Ramos kaas oo la hubay in uu seegayo kulanka.

Kooxda ayaa xaqiijisay in uu Raphael Varane haatanba galay karantiil sidoo kale seegi doono kulanka Sabtida ee ay Los Blancos la ciyaari doonto kooxda Barcelona horyaalka La Liga.

Sidoo kale Raphael Varane Ayaa seegi doona kulanka lugta 2-aad ee ay Real Madrid booqan doonto Liverpool ee ka tirsan champions League ee dhici doona 14 bishan haatan lagu jiro.

Xiddiga reer France ayaan la tababar saaxiibadiis Isniintii waxana uu sugayay wajaabta xanuunka Korona waxana haatan la xaqiijiyay in uu seegi doono labada kula ee Liverpool iyo waliba kulanka Barcelona.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE