“Hadii Aad Labadan Xiddig Joojiso, Waad Joojinaysaa Real Madrid” Rafa Benitez Oo Liverpool U Sheegay Qaabka Ay U Joojin Karaan Real Madrid.

Tababarihii hore ee kooxda Liverpool iyo Real Madrid ee Rafa Benitez ayaa si gaar ah isha ugu hayn doona kulanka caawa champions league ee dhexmari doona kooxaha Real Madrid iyo Liverpool.

Marka la eego in uu labada kooxoodba soo hogaamiyay Rafa Benitez ayaa si fiican u garanaya waxa ay koox walba tahay in ay samayso si ay u garaacdo kooxda kale kulanka caawa ee champions league.

Rafa Benitez ayaana Tallo ay ku joojiyaan Real Madrid siiyay maadama ay tahay kooxda uu inta badan soo hogaamiyay waliba kula guulaystay champions League.

Tababare Rafa Benitez oo waraysi siinaya wargayska The Times ayaa yidhi”Arinta furaha u noqon doonta kulanka waa dar-darta”.

“Hadii ay Liverpool u ciyaarto qaab dar-dar leh waliba khadka dhexe waxa ay dhibaato ku keeni doontaa Real Madrid marka loo eego orodka badan ee weerarka Liverpool”.

“Xiddigaha Georginio Wijnaldum & Thiago Alcantara ayay tahay in ay joojiyaan xiddigaha Modric iyo Kroos hadii ay doonayaan in ay Liverpool badiso”.

“Hadii aad joojiso labada xiddig ee Toni Kroos iyo Luca Modric waxa aad joojin kartaa Real Madrid”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE