Ma Ahan Arsenal, Martin Odegaard Oo Doonaya In Uu Ku Biiro Koox Weyn Oo Premier League Ah.

Xiddiga amaahda kula jooga kooxda Arsenal ee Martin Odegaard ayaa lagu soo waramayaa in uu diyaar u yahay in uu ku biiro kooxda Liverpool hadii ay Reds Dalab ka gudbiso saxiixiisa suuqa xagaaga.

Xiddiga reer Norway ayaa amaah ku qaadanaya Arsenal kadib markii uu ku soo biiray kooxda suuqii January ee bilowgii xilli ciyaareedkan kadib markii uu ku dhibaatooday Real Madrid.

Real Madrid ayaa la rumaysanyahay in ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga 22 jirka ah kadib markii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay Arsenal 14 kulan oo uu ciyaaray.

Mikel Arteta ayaa haatanba sheegay in uu doonayo in ay Arsenal qaab toos ah ula wareegto xiddiga Laakiin wargayska AS ayaa sheegaya in uu Martin Odegaard doonayo in uu ku biiro Liverpool.

Martin Odegaard ayaa horay u sheegay in uu ku riyoodo u ciyaarista kooxda Liverpool waxana uu la dhacay tayada Liverpool kulankii ugu dambeeyay ee ay Gunners la ciyaartay Liverpool todobaadkan.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE