Real Madrid Mise Liverpool? Rafa Benitez Oo Saadaaliyay Kooxda Badin Doonta Kulanka Caawa.

Tababarihii hore ee kooxaha Liverpool & Real Madrid ee Rafa Benitez ayaa aaminsan in kooxda maamusha ciyaarta kulanka caawa ay badin doonto kulanka champions league ee dhexmari doona labadiisii kooxood ee hore.

Liverpool ayaa caawa marti u noqon doonta Real Madrid kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Labada kooxood ayaa isaga hor iman doona markii ugu horaysay tan ilaa final-kii champions League ee sanadkii 2018 markaas oo ay Real Madrid 3/1 ku badisay.

Rafa Benitez ayaa sheegay in ay labada kooxood kala qaab ciyaareed duwanyihiin laakiin uu saadaaliyay in kooxda kulanka maamusha ay badin doonto.

“Waxan u malaynayaa in ay Liverpool samayn doonto waxa ugu fiican si ay u riixdo real Madrid”ayuu u sheegay MARCA.

“Hadii ay Real Madrid kubada haysato, Liverpool waxa ay ciyaari doontaa weerar rogaal celis ah sidii ay sameeyeen kulankii RB Leipzig waliba guusha u hor seeday”.

“Liverpool waxa ay isku dayi doontaa in ay ciyaarto kubad orod ah laakiin Real Madrid waxa ay isku dayi doontaa in ay kubada haysato kooxda ku guulaysato qorsheheeda ayaana guul gaadhi doona”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: Muhiim U Ah Gabadh Walba: 5 Arin Oo Uu Gacaliyahaagu Kaaga Baahanyahay Hadii Aad Doonaysid In Uu Ku Jeclaado.


Source: laacibfm.com

SHARE