Vinicius Junior ” Liverpool Yaan La Dhayalsan , Lugta Labaad Hal Farsamo Ayaan Ciyaareynaa”

Xiddiga Real Madrid ee Vinicius Junior ayaa hoosta ka xariiqay in inkastoo guul 3/1 ah ay ka gaareen Liverpool hadana waxa uu ku adkeystay in kooxdiisa xaqiijin u soo bixitaanka wareegga 4-ta Champion-ka

Vinicius Junior ayaa kulankaas dhaliyay laba gool waxa ayna sidaas Real lug ula galeen wareegga 4-ta

Wargeyska Marca ayuu Vinicius Junior ka yiri ” waxa ay aheyd guul qiimo gaar ah leh”.

” Real uma ogalaaneyso kooxda ka so horjeedda in ay fursado ku abuuraan , isla habkaan ayaan uga hor tageynaa koox waliba’.

” Xaalka waa weli, Liverpool waa koox adag wax waliba ayayna samenayaan si ay guul u gaaraan, balse waxaa qasab in habkii cadaadis ee kulankaan oo kale in aan uga hor tagno”

” In badan ayaan ku hamiyay in aan Real u ciyaaro , waxaan mar waliba xoogga saarayaa in aan soo bandhigo wax fiican” ayuu yiri Vinicius Junior


Source: laacibfm.com

SHARE