Arsenal Oo Isku Diyaarinaysa In Ay U Dhaqaaqdo Saxiixa Xiddig Wacdaro Dhigaya Serie A-da.

Arsenal ayaa isku diyaarineysa inay dalab adag ka gudbiso daafaca midig ee kooxda Inter Milan Achraf Hakimi, sida lagu sheegay wararku.

Xiddiga reer Morocco ayaa wacdaro ka dhigaya horyaalka Serie A-da isaga oo u ciyaaraya hogaamiyayaasha horyaalka ee Serie A-da oo uu kaga biiray kooxda Real Madrid xagaagii hore.

Si kasta ha ahaatee Inter Milan ayaa ku qasbanaan karta in ay iska iibiso qaar ka mid ah xiddigaha ugu fiican kooxdeeda sabab la xidhiidha dhaqaale xumo soo wajahday kooxda Hakimi ayaana ka mid a xiddigaha xiisaha helaya.

Wargayska AS aya sheegaya in ay Inter Milan isku diyaarinayso in ay iska iibiso xiddiga 22 jirka ah hadii ay helaan dalab lacageed oo dhan 42 milyan oo euro.

Arsenal ayaa la sheegayaa in ay xiddiga Hakimi u aragto badalka Hector Bellerin kaas oo lala xidhiidhinayo in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka: Ma Jeclaatay Wiil Baraha Bulshada Aad Iska Barateen, Ma Doonaysaa In Uu Ku Jeclaado Oo Uu Waliba Qalbigiisa Ku Siiyo, 5-tan Wado Raac, Qalbigiisa Ayaad Dagaysaa.


Source: laacibfm.com

SHARE