Hordhac: Fc Porto Vs Chelsea: Thomas Tuchel Oo Jawaab Ka Sugaya Xiddigihiisa Ka Ceebtii West Brom.

Chelsea ayaa safar ugu baxday waddanka Spain oo ay lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League kula soo ciyaarayso FC Porto, waxaana Thomas Tuchel uu safarka la  tegay ciyaartooyo kasoo laabtay dhaawac oo muhiim u ah.

Blues oo ciyaartii ugu dambaysay si lama filaan ah ula kulantay bahdil 5-2 ah oo ay u geysatay West Brom, waxay raadinaysaa guul ay kaga soo kabato khasaarahaas iyo in ay soo hesho libinta iyadoo marti ah, si lugta labaad ee garoonkeedana ay ugu xaqiijisato in ay semi-finalka iska xaadiriso.

Kooxda reer London ayaa wareeggii hore ee siddeedda waxay labadii ciyaaroodba kasoo adkaatay Atletico Madrid oo ay muujisay in ay si aad ah uga awood badan tahay, waxaana la filayaa in ay cudud u sheegtaan FC Porto, inkasta oo kooxda reer Portugal ay hore usoo reebtay Juventus oo aan la dhayalsan karin.

Kulanka: Fc Porto Vs Chelsea

Tartanka: Champions League

Wakhtia: 10:00

Garoonka: Estadio R. Sanchez Pizjuan

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

FC Porto shan mar ayay guul0darro kala kulantay Chelsea oo ay iskaga hor yimaaddeen wareegga siddeedda, saddexda kalena laba ayay badiyeen midna barbarro ayay galeen. Chelsea ayaa ah kooxda labaad ee guul-darrooyinka ugu badan gaadhsiisay Porto, waxaana ka horreysa Real Madrid oo lix jeer garaacday kooxda reer Portugal.

Chelsea way ku fiican tahay kulamada ay ka hor tagto kooxaha reer Portugal, waxaanay guuleysatay 75% kulamadii ay kooxaha dalkaas waajahday.

Kulankan ayaa ah markii labaad ee ay labadan kooxood ee Chelsea iyo Porto iskugu yimaaddaan kulamada isreeb-reebka tooska ah ee Champions League, waxaana markii iskugu dambaysay ay ahayd xilli ciyaareedkii 2006-07 oo ay Chelsea ku guuleysatay celceliska labadii ciyaarood 3-2.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Dumarka Ma Jeclaatay Wiil Baraha Bulshada Aad Iska Barateen, Ma Doonaysaa In Uu Ku Jeclaado Oo Uu Waliba Qalbigiisa Ku Siiyo, 5-tan Wado Raac, Qalbigiisa Ayaad Dagaysaa.


Source: laacibfm.com

SHARE