Liverpool Guul Soo Laabasho Leh Maka Gaadhi Doontaa Real Madrid Sidii Barcelona? Klopp Ayaa Ka Jawaabay.

Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in ay kooxdiisu samayso wixii ay ku samaysay Barcelona lugta 2-aad ee kulanka Real Madrid ee wareega 8 dhamaadka champions League.

Liverpool ayaa guul soo laabasho leh oo taariikhi ah ka gaadhay kooxda Barcelona kulan ka dhacay Anfield kadib markii ay guuldaro 3/0 ah kala kulantay lugta 1-aad ee Camp Nou.

Koxoda Liverpool ayaa xalay guuldaro 3/1 ah kala kulantay Real Madrid kulan ka tirsanaa champions league laakiin Klopp ayaa sheegay in ay xaaladuhu kala duwan yihiin haatan.

“Kuulankii Barcelona waxa aan la kulanay guuldaro 3/0 ah laakiin waxa aan u ciyaarnay si fiican laakiin kulankii Real Madrid arintu sidaas ma ahayn”ayuu Klopp u sheegay wargayska MARCA.

“Guushii soo laabashada ahayd ee aan ka gaadhnay Barcelona 80% Taageerayaasha ayaa sabab u ahaa sidaas darteed Anfield haatan wuu ka duwanaan doonaa sidii hore laakiin waxa aan isku dayi doonaa in aan shaqadeena ugu fiican qabano”.


Source: laacibfm.com

SHARE