Mohamed Salah Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Samuel Eto’o Ka Dhigay Champions League Kuna Sii Dhawaanaya Rikoodh U Yaala Didier Drogba

Xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa bar-bareeyay rikoodh uu champions League ka dhigay Samuel Eto’o kadib markii uu gool ka dhaliyay Real Madrid kulankii champions league.

Mohamed Salah ayaa Liverpoo u dhaliyay goolka kaliya ee ay Liverpool ka dhalisay kulankii champions League ee ay guuldarada 3/1 ah kala kulantay Real Madrid.

Bogga Champions League ee Twitter-ka ayaa sheegay in uu Mohamed Salah Dhaliyay goolkiisii 10-aad ee wareega Bug baxa ee tartanka champions League kulankii Real Madrid.

Sidaas darteed Mohamed Salah ayaa bar-bareeyay rikoodhka Samuel Eto’o ee goolasha wareega Bug baxa ee tartanka champions league kaas oo ah 10 gool.

Sidoo kale Mohamed Salah ayaa kaliya 4 gool u jira rikoodhka Didier Drogba oo ah xiddiga ugu goolasha badan wareega Bug baxa ee xiddigaha ka soo jeeda qaarada Africa.

Halkan Kaga Bogo Xiddigaha Goolasha ugu badan ka dhaliyay wareega Bug baxa champions League ee ka soo jeeda qaarada Africa:

Didier Drogba: 14 Gool
Sadio Mane: 12
Samuel Eto’o: 10
Mohamed Salah: 10
Emmanuel Adebayor: 7
Michael Essien: 5
Seydou Keita: 4
Hakim Ziyech: 4

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga:Imisa Jeer Ayaad Gabadha U Sheegi Kartaa In Aad Jeceshahay?


Source: laacibfm.com

SHARE