Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray Xalay.

Xaqiiqooyinkii Laga Diwaan Galiyay Kulamadii Champions League Ee Xalay La Ciyaaray Xalay.


Waxa xalay la ciyaaray kulamada champions League qayb ka mid ah kulamada 8 dhamaadka iyada oo La ciyaaray 2 kulan oo champions League ah.

Kooxda Real Madrid ayaa xasuuqday kooxda Liverpool kulan dhinac kaliya ahaa sidoo kale wiilasha Jurgen Klopp sameeyeen khaladad waali ah oo sabab u ahaa goolasha laga dhaliyay.

Dhanka kale kooxda Man City ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda Borussia Dortmund kulan ay daqiiqadii ugu dambaysay dhaliyeen goolka guusha.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa xaqiiqooyinka laga diwaan galiyay labadaas kulanka.

1.Jude Bellingham ayaa ah xiddigii 2-aad ee ugu da’da yaraa ee ku bilowdo kulan Quarter-final champions League ah isaga oo jira 17 sano iyo 281 maalin waxana uu ka dambeeyaa xiddiga Bojan oo sanadkii April 2008 ku bilowday kulan ay Barcelona la ciyaartay Schalke isaga oo jiray 17 sano 217 maalin.

2.Kadib goolkii furitaanka ee Kevin De Bruyne kooxda Ma City ayaa haatan dhalisay 18 gool champions League waana rikoodhkooda ugu badan ee goolasha taariikhda tartanka.

3.Marco Asensio ayaa haatan Real Madrid u dhaliyay 4 gool oo xidhiidh ah tartamada oo dhan waana in ka badan intii uu dhaliyay 41-kii kulan ee hore.

4.Liverpool ayaa laga dhaliyay 2 gool oo champions League ah kulan bug baxa ah markii ugu horaysay tan ilaa Final-kii 2005 ee ay Ac Milan 3 gool ka dhalisay qaybta hore.

5.Liverpoo ayaa ku fashilantay in ay hal laad la hesho goolka qaybtii hore ee kulankii champions league markii ugu horaysay tan ilaa November 2014 markaas oo ay sidoo kale la ciyaaraysay Real Madrid.

6.Tan ilaa markii uu Mohamed Salah saftay kulankiisii ugu horeeyay ee Liverpool kaliya Cristiano Ronaldo (140), Lionel Messi (156) & Robert Lewandowski (177) ayaa dhaliyay goolal ka badan isaga tartamada oo dhan waxana uu dhaliyay 121 gool.

7.Luka Modric ayaa ah xiddiga ugu da’da weyn ee caawiye ka noqday 3 kulan oo Xidhiidh ah tan ilaa Ryan Giggs oo Man United sidaas u sameeyay April 2011 isaga oo jira 37 sano.

8.Kaliya xiddiga Kylian Mbappé oo jiray 20 sano 268 bishii April 2018 gool-na ka dhaliyay Borussia Dortmund ayaa ah xiddiga kaliya ee ka yar ee 2 gool ka dhaliyay champions league wareega Quarter-final-ka kana yar Vinícius Júnior.

9.Marco Reus ayaa ah xiddigii ugu horeeyay ee gool ka dhaliya champions league Man City tan ilaa xiddiga Luiz Diaz kaas oo u ciyaaryaay FC Porto bishii October isaga oo soo afjaray 788 daqiiqo oo aan wax gool ah laga dhalin 7 kulan shabaqa ilaashadeen.

10.Phil Foden ayaa ah xiddigii 3-aad ee da’yarka ahaa ee u dhashay dalka England ee dhaliya gool champions league wareega Quarter-final-ka kaliya xiddigaha Alan Smith & Theo Walcott ayaa ka yar.

11.Kooxda Real Madrid ayaa ah kooxda ugu badan ee guulaha ka gaadhay Liverpool tartamadada yurub iyaga oo garaacay 4 kulan lana bar-baro ah Benfica.


Sii Akhriso:

U Gaar Ah Dumarka Ma Jeclaatay Wiil Baraha Bulshada Aad Iska Barateen, Ma Doonaysaa In Uu Ku Jeclaado Oo Uu Waliba Qalbigiisa Ku Siiyo, 5-tan Wado Raac, Qalbigiisa Ayaad Dagaysaa.


Source: laacibfm.com

SHARE