Halkee Ayuu Ku Dambeeyay Xiisihii Liverpool U Qabtay Saxiixa Konate War Cusub Ayaa Laga Helay.

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay maamulka kooxda RB Leipzig u sheegeen in ayna sii wadi doonin baacsiga ay ugu jirto saxiixa daafaca dhexe ee Ibrahima Konate marka la gaadho suuqa xagaaga.

Xilli uu Jurgen Klopp suuqa u gali doono daafac dhexe Ibrahima Konate ayaa la aamisanaa in uu yahay bartilmaameedka 1-aad ee Tababaraha marka uu dhamaado suqua xagaaga.

Si kasta ha ahaatee wargayska Bild Sport ayaa sheegaya in ay kooxda Leipzig la xidhiidhay maamulka Liverpool si ay u ogaato go’aankooda kama dambaysta ah ee ku aadan saxiixa xiddiga.

Laakiin Liverpool ayaa kooxda La Liga ka ciyaarta u sheegtay in ayna sii wadi doonin baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga 21 jirka ah.

Ibrahima Konate ayaa laftiisu ka hadlay wararkii sii xoogaysanayay todobaadyadii ugu dambeeyay ee ku aadanaa saxiixa xiddiga xilli uu ku sugnaa waajibaadka xulka qarankiisa France ee 21 jirada.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE