Kieran Tierney Diyaar Ayuu U Yahay In Uu Ku Biiro Man City Ama Real Madrid.

Xiddigii hore ee kooxda Liverpool ee Charlie Adam ayaa sheegay in uu Xiddiga Arsenal ee Kieran Tierney Leeyahay tayo uu ugu ciyaaro midkood kooxaha Real madrid ama Man City.

Xiddiga daafaca Bidix ka ciyaara ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah kadib markii uu ka soo kabsaday dhaawac waxana uu kooxda u ciyaaray 23 kulan premier League isaga oo caawiyeo ka noqday 2 gool.

Qaab ciyaareedkiisa ayaa keenay in uu Charlie Adam sheego in uu xiddigu lacag 50 milyan ah uga tagi karo kooxda Arsenal marka la gaadho suuqa xagaaga.

Charlie Adam oo 37 kulan u saftay liverpool ayaa Kieran Tierney ku tilmaamay xiddig heer sare ah.

“Miyaan la yaabi doonaa hadii Real Madrid ama Man City u dhaqaaqdo saxiixiisa suuqa xagaaga?ayuu yidhi isaga oo la hadlaya Metro.

“Waxan u malaynayaa in uu diyaar u yahay ku biirista labadaas koox haatan, waa xiddig 23 jir ah waxa uu ku dhibaatooday dhaawacyo”.

“Laakiin haatan waxa uu ku soo laabtay qaab ciyaareedkiisii fiicnaa waxana aan u malaynayaa in uu ku biiri karo koox weyn oo ku ciyaarta heer sare waliba wuu u qalmaa lacag 50 milyan ah”ayuu sii raaciyay.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE