Liverpool Oo Ka Faa’iiday Guuldaradii Ka Soo Gaadhay Real Madrid Champions League, Qaab Noocee Ah.

Kooxda Liverpool ayaa faa’iido la yaab leh ka heshay guuldaradii 3/1 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Real Madrid kulan ka tirsanaa tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa guuldaro 3/1 ah kala kulantay lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League xilli ciyaareedkan laakiin guuldaradaas ayaa faa’iido lama filaan ah u noqon karta.

Faa’iidadaas ayaa ah in uu xiddiga khadka dhexe ee Georginio Wijnaldum sii joogi karo kooxda waliba hesiis cusub u saxiixi karo kooxda Liverpool kadib markii ay Barcelona ka baxday qorshihiis ay kula soo saxiixnaysay xiddiga.

Barcelona ayaa doonaysay saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum iyaga oo doonayay in ay qaab xor ah ku doonayay saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Mundo Deportivo aya sheegaya in ayna Barcelona ku qanacsanayn saxiixa xiddiga Georginio Wijnaldum kadib markii uu xiddigu ku fashilmay in uu qaab ciyaareed fiican soo bandhigo kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay kooxda Real Madrid.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE