Man United Oo Heshay Wado Ay Ku Heli Karto Saxiixa Declan Rice

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa in ay ka fiirsanayso qorshe ka caawinaya in ay hesho saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda West Ham Declan Rice iyaga oo diyaar u ah in ay Jesse Lingard si toos ah uga iibiyaan kooxda West Ham si ay dhankooda u helaan saxiixa Declan Rice.

Jesse Lingard ayaa xirfadiisa ciyaareed dib boodhka uga jafay isaga oo soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah tan ilaa markii uu ku biiray kooxda West Ham suuqii January isaga oo dhaliyay 6 gool sidoo kale caawiye ka noqday 4 kale premier League.

Dhanka kale Ole Gunnar Solskjaer ayaa doonaya saxiixa xiddiga Rice kaas oo qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigay kooxdiisa West Ham-na ka caawiyay in ay u tartanto boosaska champions League.

Wargayska The Athletic ayaa sheegay in ay Red Devils diyaar u tahay in ay West Ham u soo bandhigto xiddiga Lingard si ay ugu qanciso in ay ka iibiso saxiixa xiddiga Khadka dhexe ee Decline Rice.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE