Mohamed Salah Oo Diginiin U Diray Kooxdiisa Liverpool Kadib Guuldaradii Real Madrid.

Mohamed Salah ayaa soo bandhiga qaab ciyaareed fiican mar walba oo ay liverpool u baahantahay waxana uu mar kale gool u dhaliyay kooxdiisa kulankii ay guuldarada kulantay Real Madrid tartanka champions League.

Kooxda Liverpool ayaa u baahan in ay Real Madrid ka gaadho 2/0 hadii ay doonayso in ay u soo baxdo wareega Semi-final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.

Kadib guuldaradaas wargayska Express ayaa sheegaya in uu xiddiga Liverpool ee Mohamed Salah digniin dhanka suuqa ah u diray kooxdiisa isaga oo u sheegay in uu isaga tagi doono kooxda hadii ay u soo bixi waydo champions League.

Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysa qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan iyada oo ay u cad-cadahay in ay seegto champions League xilli ciyaareedka dambe maadama ay kaalinta 5-aad ku jirto horyaalka.

Mohamed Salah ayaa xilli ciyaareedkan dhaliyay 27 gool 42 kulan oo uu ciyaaray tartamada oo dhan waxana uu ku jiraa qaab ciyaareed fiican inkasta oo ay Reds dhibaatoonayso.

Sidaas darteed Salah ayaa maamulka kooxdiisa u sheegay in uu isaga tagi doono hadii ayna kooxdu u soo bixin tartanka champions League xilli ciyaareedka dambe.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE