RASMI: UEFA Oo Soo Saartay Xiddigaha U Tartami Doona Xiddiga Ugu Fiican Todobaadka Champions League.

Xidhiidhka kubada cagta Yurub ee UEFA ayaa soo Saartay Liiska xiddigaha u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobadka champions League.

Waxa labadii maalin ee la soo dhaafay la ciyaaray kulamada lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions league ee ugu xiisaha badan kubada cagta.

Kooxda Real Madrid ayaa 3/1 ku garaacday kooxda Liverpool halka ay kooxda Man City 2/1 ku garaacday kooxda Borussia Dortmund kulan ka dhacay garoonka Etihad Staduima.

Kulamadii Arbacadii kooxda PSG ayaa dhigeeda Bayern Munich ku garaacday 3/2 halka ay Chelsea guul 2/0 ah ka gaadhay kooxda Fc Porto iyaga oo hal lug la galay wareega xiga.

UEFA ayaa soo saartay 4-ta xiddig ee soo bandhigay qaab ciyaareedka fiican ee u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican todobaadka champions League.

Xiddigaha Kevin De Bruyne, Vinícius Júnior, Kylian Mbappé Iyo Jorginho ayaa ah xiddigaha todobaadkan u tartami doona abaalmarinta xiddiga ugu fiican champions League.

Sii Akhriso: U Gaar Ah Ragga: Ninow Waligaa 5-tan Su’aal Ha Waydiin Gacalisadaada Waad Ku Waayi Kartaa.


Source: laacibfm.com

SHARE